GOLDEN EXAMS 

GOLDEN EXAMS (Imtixaananka Dahabiga ah)

Golden Exams waa website loogu talagalay in uu ka midnoqdo jadwalka wax akhris maalmeedka ardayda si uu uga caawiyo ku guuleysiga Imtixaanka shahaadiga ah ee ay galayaan.

Golden Exams website:-  waa website waxbarasho oo caalami ah oo ay aasaaseen aqoonyahanno wadanka wax ku bartay, websitekaan waxa la aasaasay   01/10/2017 xaruntiisu waa Garowe-Soomaaliya.

Ardada fasalada Afaraad ee Dugsiga sare iyo Fasalka 8aad (sideedaad) ee Dugsiga dhexe waxa loogu diyaariyey Imtixaanadan kala duwan ee hoos ku qoran :-

  1. Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad laha ah.
  2. Imtixaanka school walba si gaar ah uga qaado ardadiisa sida Imtixaanka asbuuclaha ah, bille iyo midterm-ka ah.

Faaiidooyinka Website-ka uu uleeyahay ardada:

  • Waxad ka helaysaa dhamaan imtixaanada laga qaaday iskuulada kala duwan eek u yaala wadanka.
  • In aad si fudud u fahanto qaabka loo keeno imtixaanaadka shahaadiga ah (National exam) iyo in ad isku sii tijaabisid si aad ugu diyaar garowdid imtixaankaas.
  • Si fudud waxad u helaysaa imtixaano ay diyaariyeen macalimin aqoon sare leh oo ka kala socda Dugsiyada saree iyo Dugsiyda dhaxe ee ku yaala Wadanka.
  • Macalimiintu waxay ka helayaan imtixaano ay ka qaadi karaan Ardadooda si ay ugu carbiyaan ku guuleesiga imtixaanaadka.